Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Waa Casharkii Joogtada Ee Jimcaha Iyo Mu'adinki Xaq Sheega U Caan Baxay Al-Digtoor Caalim Sh.Shuceyb

Thursday - January 21, 2010

Daar Burburtay Waa La Dhisaa, Damiir Burburay Baa Adag ... Waxaan Halkaan idin ku Soo Bandhigeynaa Casharkii jimcaha Taxanaha Ahaa Ee Waqtigiisi Qaaliga U Huray Fadiilat Al-Digtoor Shiikh Shuceyb Abu Yuusuf.

Abu Yuusuf Waa Caalim Daaci Ku ah Wixii Alle Baray Ee Wacdi, Waano iyo Dabiibnimo Caafimaad Intaba kaa Haqabtiraya  ... Casharkiisu Waa Ereyo Suntaya Wanaaga Ku Xardhan Dahab Kuna Qotama Aqoon iyo Garaad Sareeya ... Waxaa Diinteena Ku Sugnaaday in Raxiimka ina Abuuray Habeen Kasta Adoomadiisa Naxariistiisa Una Fidiyo In Cid U Baahan Dambi Dhaaf Oo Loo Dambi Dhaafo Jirto Ama Wax Weydiisaneysa Oo Laga Aqbalo ... ilaahow Naga Dhig Kuwa Kalinimadaada Rumeeyey,Adigaa waxaad tiraahdo taabo galiya Taaduna noqone janno Fardoosa, Ubad Wacan, Oori Wacan Iyo Gudoon Wacan Adigu Na Sii .... Ebo Adaa Tiirsimaad Mudane Ha Na Tuurin.

Marxaba Gudoon Wacan Ku So Dhawaada Eereyada Mua'dinka aan Xaq Sheega Ka Daalin

Ujeeddo Casharka Maanta: Cudurada Ku dhaca Qalbiga Iyo Noocyada Ay Yihiin

                                ----------------------------------------------------------------------

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah weyne, iyo saliga Suubanaha NNK ha ahaato. Cudurada ku dhici kara qof waxa guud ahaan loo qeybin karaa kuwo ku dhaca Jirka intiisa kale iyo kuwo u gaar ah Qalbiga, kuwa halela Jirka intiisa badan waxa ay u badan yihiin in dawo loo helo, kuwa ku dhaca Qalbiga waxa loo qeybshaa kuwo ay sabab u tahay dhib marka baaritaan ay sameeyaan takhaatiirta ay ogaan karaan iyaga oo adeegsanaya qalabka casriga ah ee wax lagu baaro. Waxa jira cudur ka duwan oo haleela Qalbiga qofka sababna ay u tahay marka adoonku ka fogaado Allah iyo sharcigiisa iyo wixii uu nafaray Suubanaha oo naga dhowraya Xumaanta isla markaana noo horseeda Wanaaga, midaa oo lagu gaaro guusha dunida iyo mida aakhiro.
 
Qalbiga marka uu la xiriiro Rabbigii abuuray waxa uu helaa guusha iyo liibaanta dunida inta aan la gaarin nimcada aakhiro ee sugeysa qofka Allah u hogaansama, waxa uu ka nabad galaa cudurka ugu halista badan ee qofka haleeli kara oo ah in qalbigiisa madoobaado kadibna uusan kala garan Xumaha iyo samaha,  Xanuunada wadnaha ku dhaca, waa fara badan yihiin, waana kala duwan yihiin. Guud ahaan waxey wadaagaan calaamado lagu garto oo ka dhexeeya. Kuwo ka mid ahna ilmuhu marka ay dhashaan baa lagu arkaa, kuwo kalena markey xoogaa jiraan bay soo shaac baxaan, asbaab badan baa sabab u noqon kara in qofku ku dhoco xanuunka wadnaha, qaar laga hortegi karo baa jira iyo kuwo marka ay cusub yihiin wax laga qaban karo.
Waxa jira Muuqaalka kuwo lagu garto  astaamo ka muuqda Carabka oo midab bedelma (Cyanosis), astaamo ka muuqda Afka, dhamxanaga sare (High arch Palate), nadaafada afka (Oral Hygine), astaamo ka muuqda Calaacasha gacmaha iyo Lugaha,  faraha foodooda oo balaarta, sida madaxa lagu garaaaco durbaanka (Clubbing), faraha oo laga dareemo xanuun aad u ba’an marka qobow ku dhoco (Raynaud’s), cudurada ku dhaca xidada dhiiga qaada, kuwa fog (Periferal Vascular Disease), hurgunka wadnaha gudihiisa (Endocarditis), calaamado ka muuqda Cidiyaha, Calaamado lagu arko maqaarka Jirka iyo Naasaha, barar ku dhaca jirka oo dhan, ama qaar ka mid ah, Cudurada dufanada (Lipid disorders), isbedel ku dhaca xariijinta calaacasha (Palmar crease changes). Dhibco kasoo shaac baxa maqaarka jirka, Naasaha oo weynaada (Gynomastia). Calaamado ka muuqda Murqaha iyo Lafaha, murqaha oo yaraada, ama gurma, seedaha oo dhibco xeyr ah kasoo dul baxaan. Cudur haleela sambabada COPD (Chronic Pulmonary Obstructive Disease). Lafaha Dhabarka oo qaloocda (Kyphoscoliosis).
Tilmaamaha kor ku xusan, kuwo ka mid ah, waxa lagu arki karaa cuduro dhowr ah oo aan xiriir la laheyn cudurada wadnaha.  Sidaa darteed marka lagu arko bukaan, kuwo ka mid ah calaamadahaa, waxa loo baahan yahay in la baaro wadnihiisa si loo hubiyo in wadnihiisa caafimaad qabo.
Astaamahaa ama cudurada aan kor ku tilmaamay, hadii la iska indha tiro, waxa suurowda iney baajiso daweynta cudurka intuu cusub yahay oo wax ka qabasho sahlan leeyahay. Cudurada ku dhaca wadnaha, qaar ka mid ah marka la ogaado inta ay bilowga yihiin, waxa dhici karta in si sahlan loo daweeyo ama wax looga qabto, hadiise la iska indha tiro, oo ay ku raagto bukaanka, waxa dhici karta inuu gaaro, heer wax ka qabasho aan laheyn.

Wadnaha qofka waxa uu la mid yahay sida matoorka biyaha loo adeegsado waxa uu gudoomaa dhiiga ka yimaada jirka intiisa kale waxa uu u gudbiyaayaa sambabada si looga haqabtiro Oxygen kadibna dib waxa uu ugu ceshaa jirka mar kale, marka shaqo ka fara badan wadnaha loo baahdo, ugu horeynta waxa kordha garaacida oo ka bata 100 garaac daqiiqadii, midaa oo keenta in cadaadiska dhiiga kor u koco (Increased Blood Pressure), sidoo kale waxa balaaran kara qolalka wadnaha (Heart Chambers), hadii shaqadaa ay aheyd mid wakhti gaaban ah waxa au u badan tahay in wax kasta kusoo laabtaan sidii ay ahaayeen, hadiise wakhtigu dheeraado waxa suurowda in wadnaha xajmigiisa uu kordho, marxaladan hadii ay sii daba dheeraato waxa dhici kara in wadnaha shaqadiisa uu gabo ama istaago kadibna sabab u noqdo geerida qofka ku timaada.

Allah waxaan ka baryayaa inuu naga badbaadsho cudurada haleela wadnaha, midka ugu daran uu yahay midka culimada ay ku tilmaamaan Qaflada, ama warmooga loo yaqaan oo ah in qofku hilmaamo waajibka ka saaran inuu ilaaliyo wixii Allah faray sida Salaada, Zakada, Soonka, Xajka iyo Cimrada, ama dulmi qooq iyo xadgudub u geysto adoomada Allah, ama guud ahaan wanaaga oo uu dadka u tilmaamo iyo xumaha uga digo uu ka fogaado isaga oo la rabo inuu ka bilaabo naftiisa reerkiisa eheladiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan umada oo dhan. Allah ha inaga yeelo kuwa qowlka wanaagsan maqla sida ugu wanaagsan ugu dhaqma.