Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Ismaciil Buubaa Oo Xoriyadiisi Dib U Helay

Friday - January 22, 2010

Nairobi-Siyaasiga caanka ah ee Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo ay ciidamada ammaanka ee Kenya habeen hore xabsiga u taxaabeen, ayaa shalay gelinkii dambe dib loogu soo celiyay xorriyadiisii.

Dawladda Kenya, ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay bilowday olole ka dhan ah guud ahaan dadka Somalida ah ee ku nool Magaalada Nayrobi, waxaanay xabsiyada u taxaabtay Somali tiro badan oo ay ku jiraan rag ka tirsan dawladda Sheekh Shariif, kuwa hore uga tirsanaan jiray dawladihii Somaliya, waxaana dadkaas ka mid ahaa Ismaciil Maxamuud Hurre (Buubaa), oo dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse aaminsan mabda’a federaalka, marna noqday Wasiirkii Arrimaha dibadda ee dawladii Cabdillaahi Yuusuf, waxaana Ismaaciil Buubaa lagala baxay hoteel uu ka degenaa magaalada Nayrobi.

Mr. Buubaa, oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay rag saaxibadiis ah ayaa wuxuu sheegay in shalay gelinkii dambe xorriyadiisa loo soo celiyay, "Xalayto [Habeen hore] ayaa la iigu yimid hoteelkii aan degenaa oo ay ciidamo Boolis ahi iigu yimaadeen oo ay dabadeedna i geeyeen xabsiga" ayuu yiri Mr. Buubaa, waxaanu intaas raaciyay, “Aniga fiisahaygu wuxuu ku eekaa  Maanta [shalay], dabadeedna Isniintii ayaan Basaborkayga geeyay waaxda socdaalka si fiisada la iigu soo cusboonaysiiyo, markaas ciidamadii ammaanku waxay ii yimaadeen iyadoo uu basaborkii iga maqanyahay, sidaas ayaanay igu kaxeeyeen" ayuu yiri Buubaa, isagoo intaas ku daray, “Laakiin markii fiisadii saaka la ii soo cusboonaysiiyay ee basaborkiina la ii keenay, markiiba waa la i soo daayay, haddana waxaan kula hadlayaa iyadoo xorriyadaydii la ii soo celiyay"

Mr. Buubaa, waxa uu sheegay in, inkastoo xarigiisu la xiriiray qorshaha ay dawladda Kenya hoteelkada ku baareyso, haddana aanay siyaasadi ka marnayn, “Horta arrintan siyaasadi kamay marnayn, rag ayaana igu soo duway, waanay ii sheegeen kuwa ay yihiin, laakiin hadda wax dhib ahi ma jirto ee saaxiibayaal sidaas umadda gaarsii.” ayuu yiri Buubaa.