Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Al-Shabaab Oo Suuqyo Ugu Magac Daray Saalax Nabhaan Iyo Axmed Gurey

Sunday - January 24, 2010

Xarakada Shabaab ee gacanta ku haaya Gobolka Shabellaha Hoose ayaa shaaca ka qaaday in degmadaas ka hirgeliyaan Suuq ay ugu magac dareen Saalax Cali Saalax Nabhaan oo dhowr bilood ka hor ay Mareykanka ku dileen agagaarka degmadaas.

Waaliga wilaayada Alshabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Suuqaas ay ugu magac dareen Saalax Nabhaan oo ka mid ahaa Hogaaamiya Alshabaab, isla markaana horay loogu eedeeyay inuu ku lug lahaa qaraxyadii loo geystay Safaaradihii Mareykanka ku lahaa Darasalaam iyo Nairobi.

Sidoo kale Waaligan ayaa sheegay Suuq kale ay ugu magac dareen Halgamihii Soomaaliyed Axmed Gurey, inkastoo aanay bayaanin shabaabka halka suuqaas ay u asteeyeen, hadana Suuqa loogu magaca daray Saalax Nabhaan ayaa ah mid ku yaal Bartamaha Magaalada.

Dadka qaar ayaa layaab ku noqotay ficilada cusub ee Shabaab, ee ku aadan magacyada dadka qaarkiis oo halganka soomaali aan shaqo ku lahayen, waxaana kol hore ay xaafadaha Magaalada Baydhabo u bixiyeen magacyo Hogaamiyeyaasha Al-Qaacida, gaar ahaan magaca Abuu Muscab Al-Zarqaawi oo ahaa Hogaamiyihii Al-Qaacida ee Dalka Ciraaq lagu dilay.