Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

General Maxamed Cali Samantar Oo Hiil Iyo Hoo Ka Helay Ururo Yahuud Ah Iyo Boqortooyada Sacuudiga

Monday - January 25, 2010

Gen. Maxamed Cali Samatar Wasiirkii difaaca ee dowladii kacaanka ayaa lagu dacweynayaa in uu mas'uul ka ahaa dil, kufsi iyo jir dil loo geystay dad Soomalilanda ah. Waxaa dacweynaya dhowr qofood oo la sheegay in lagu soo dhibaateeyay magacii dowlada Soomaaliya ee uu madaxda ka ahaa. Dadka dacwoonaya waxaa ku jira qof la kufsaday iyo sarkaal ka baxsaday xasuuq loo geystay dad uu ka mid ahaa.

Soomaalida dacweyneysa Generaalka waxaa la socda oo u dagaalamaya urur u dooda xuquuqda bini'aadimka oo la yiraahdo "Center for Justice & Accountability"

Dhinaca Generaalka waxaa garab taagan oo difaacaya 4 kooxood oo Yuhuud Mareykan ah oo kala ah the Zionist Organization of America, the Union of Orthodox Jewish Congregations of America, Agudath Israel of America, and the American Association of Jewish Lawyers and Jurists. Waxaa kaloo Generaalka difaacaya dowlada Sacuudi arabia oo kharaj difaac la daba taagan

Waxaa jira sharci dhigaya in aanan Mareykanka gudihiisa laga dacweyn karin dowlad shisheeye. Sharciga ayaa dhigaya in dowladaha shisheeye ay leeyihiin difaac ka masaamaxaya dacwooyinka dadka. Sharciga noocaas ah laguma muransana, waxaase lagu muransan yahay in Generaalka loo dacweyn karo shaqsi ahaan iyo in uu wali haysto magaca dowladnimo ee aanan la dacweyn karin.

Kooxaha Yuhuuda iyo dowlada Sacuudi arabia ayaa qaba in Generaalku uu wali haysto difaaca dowladnimo sidaa daraadeedna aanan shaqsi ahaan loo dacweyn karin. Kooxaha u dooda xaquuqda bini'aadamka ayaa qaba in la kala qaado sharciga difaacaya dowlada iyo kan shaqsiga, sidaa daraadeedna aanan loo difaaci karin qaab dowlad, loona dacweyn karo shaqsi ahaan.

Sababta kooxahaan Yuhuuda iyo dowlada Sacuudi arabia ay u difaacyaan Generaalka ma aha in ay saaxiib la yihiin Generaalka ama ay jecel yihiin, balse waxay difaacanayaan madaxdooda iyo dowladahooda oo la sheegay iney ku xadgudbeen xaquuqda Baniaadamka 

Hadii laga adkaado Generaalka, waxaa dhacaysa in sharcigaan cusub looga faa'iideysto Madaxda Yuhuuda oo laga dacweeyo maxkamadaha Mareykanka. Dowlada Sacuudiga ayaa iyadana sidaas oo kale rabta in aan laga dacweyn maxkamadaha Mareykanka.