Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Cilmi Baaris; Hooyada Da'da Weyn Ku Dhasha

Wednesday - January 27, 2010

War lagu daabacay wargeyska caanka ah ee British Medical Journal ayaa sheegay in cilmi baadhitaan ay sameeyeen culimo ka tirsan xarunta "Danish Epidemology Science Centre oo ku taala magaalada Copenhagen ay ku soo gebo-gebowday xaqiijinta in dumarka da'doodu ka weyn tahay 35 sanno uu badan yahay khatarta in ay kala kulmi karaan uur qaadida.
Waxa uu cilmi baadhitaankanu xaqiijiyay in hooyada da'deedu ka weyn tahay 35 sanno uu aad u kordho la kulanka haliso aad u badan, gaar ahaan xagga ilmaha. Waxa cadaatay in tiro lagu qiyaasay 20% oo dumarka da'doodu ka weyn tahay 35 sanno ay la kulmaan dhalmo la'aan ay sababeen: In ay dhiciyaan (miscarriage), ilmo ku abuurma makaanka (ilmo galeenka) dushiisa (Ectopic pregnancy), ilmo bakhti ah oo dhasha (Still birth), iwm.

Dumarka da'doodu ka weyn tahay 42 sanno ee isku dayay in ay wax dhalaan 50% ka mid ah ayaa ku guul daraystay.

Nasiib darro, marka ruuxa dumarka ah da'deedu gaadhaba dhamaadka Sodomeeyaha amaba bilowga Afartameeyaha, waxa maalinba maalinta ka dambaysa sii bata ku guul daraysiga qaaditaan uur ku dhamaada dhalidda ilmo caafimaad qaba.

Waxa lagu qiyaasaa ilaa 8% ku guul daraysiga ay hooyo da'deedu tahay 22 sanno ku guul daraysato qaaditaanka uur ku gebo gabooba dhalashada ilmo caafimaad qaba, halka ay tiro cabireedkaasu ku shareeranto 84%, marka ay da'da hooyadu gaadho 48 sanno iyo wixii ka weyn. Marka si gaar ah loo eego cillad uureedka loo yaqaano Ectopic Pregnancy ( oo ah ilmaha oo ku abuurma ilmo galeenka Korkiisa), ayaa lagu qiyaasaa 1.4%, marka ay hooyada da'deedu tahay 21 sanno, tiro cabireedkaasuna u korodho si xad dhaaf ah marka ay da'da hooyadu sii weynaato, sida  tusaale ahaan iyada oo gaadha 6.9%, marka ay hooyada da'deedu gaardho 44 sanno.