Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 4 May 2024

Odayga Ugu Taajirsan Itoobiya Oo Gabadhiisa Qaxootinimo Isaga Dhiibtay Dalka Ingiriiska

Friday - January 29, 2010

London - Ninka ugu taajirsan dalka Itoobiya, Sheekh Maxamed Al Amoudi, ayey gabadhiisa oo la yiraahdo Sahra Sheekh Maxamed Al Amoudi, iska dhiibtay dalka Ingriiska. Sahro ayaa dacwadeedi isdhiibista waxey sheegatay inay ka soo carartay nin duq ah oo ka tirsan boqortooyada Sacuudiga oo aabaheed uu u guuriyey.

Sheekh Maxamed Al Amoudi ayaa ah ninka 43-aad ee aduunka ugu taajirsan, waxaana lacagtiisa lagu qiyaasaa $9 billion oo dollarka Mareykanka ah. Sheekha ayaa waxaa iska dhalay Sacuudiyan iyo Itoobiyan.

Sheekh Maxamed ayaa warshado, hotello iyo hanti kale ku kala leh dalal ay kamid yihiin Itoobiya, Sweden, iyo Ingriiska. Sheekha ayaa dhawaan lacag $1 million ah ku sadaqeystay hay'ad uu madax ka yahay madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka, Bill Clinton, taasoo la yiraado Clinton Foundation.

Sahro ayaa laanta socdaalka ee dalka Ingriiska u sheegtay inay ka dhuumaneyso aabaheed, maadaama ay ka soo carartay odaygii uu u guuriyey, waxeyna sheegtay in ninkaas la siiyey iyadoo 13 jir ah.