Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Qareeno Loo Sameynayo Xayawaanka la Dhaqdo Oo Ka Mid Ah Doofaarka Iyo Kaluunka

Monday - Feb 1, 2010

Dalka Switzerland ayaa laga qaban doona Bisha soo socota Afti dadweyne oo dadka lagu waydiinayo inay ogolaadan ama diidaan sharci cusub oo u fasaxaya xayawaanka la dhaqdo inay Qareen ku yeelan karaan Maxkamadaha.

Dalka Swiss oo dhawaan badalay dastuurka dalkaas oo lagu daray in la difaaco xuquuqda iyo waxa loogu yeeray Sharafta xayawaanka ayaa la ogolaaday sanadkii hore kaas oo xuquuq siinaya dhamaan wixi nool laga soo bilaabo doofaarka ilaa kaluunka.

haddii dadka reer Swiss ansixiyaan aftidan bisha March laga qaadayo waxa ku khasab ah Maamulkasta oo ka tirsan Degmooyinka Swiss inay u sameeyaan Qareen matala Xayawaanka la dhaqdo ee guryaha la geysto iyo kuwa beeraha lagu haystaba si looga difaaco in lagu xadgudbo.

Beeralayda Dalka Swiss iyo Xukuumada dalkaas ayaa si weyn uga soo horjeeda in aftidan ay dadweynuhu ansixiyaan.