Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Idaha Dawlada Kyrgztan Oo Loo Sameynaayo Baasaboor Iyo Caymis

Tuesday - Feb 2, 2010

Dawlada Kyrgyzstan oo ka mid aheyd Jamhuuradii Midowgii Sofiyeeti ayaa dhawaan shaaca ka qaaday qorshe baasaboor ay ugu sameynayso nooc ka mid ah xoolaha gaar ahaan Idaha.

War laga siidaayey Telefishinka qaranka ee wadankaasi maalinimadii Isniinta ee shaley ayaa lagu sheegay in baasabooro cusub oo nooc tayadoodu sareyso loo sameyn doono Idaha ku dhaqan dalkaasi buuraleyda ah.

Kuxigeenka koowaad ee Ra’isalwasaaraha wadanka Kyrgyzstan Akylbek Japarov ayaa hadal uu ka jeediyey aqalka Baarlamanka wadankaasi wuxuu ka sheegay qorshe dawladu ay ku soo gudbinayso sidii baasabooro looggu sameyn lahaa Idaha ku dhaqan dalka, taasi oo ku macneeyey xanaano loo sameyn doono.

“Waxaan diyaar u nahay inaan u sameyno mid ka mid ah Idaha ilaa ay dhashaan lagana gawraco, tani waxay suurtagal ka dhigaysaa in la ogaado sidoo kale asalka laxdo ay ka soo jeedo iyo waliba dhiigeeda” ayuu yiri kuxigeenka Ra’isalwasaaraha wadanka Kyrgyzstan.

Kyrgyzstan, waa wadan ku yaal bartamaha qaarada Aasiya waxaana uu xuduud la leeyahay wadamada Shiinaha & Kazakhstan waxaana wadankaasi ku dhaqan 4.25 milyan sida lagu sheegay warbixin rasmi ah oo ka soo baxdey dawlada wadankaasi.

Dzhalalidin Gaybulin, oo ah madaxa xarunta qaranka ee karantiilka iyo dabar goynta cudurada ee wasaarada caafimaadka ayaa u sheegay saxafiyiinta iyo talaabadan ay tahay mid lagu doonayo in lagu xakameeyo cudurada ku dhaca idaha, isagoo sidoo kale ku baaqay in loo baahan yahay lo’da loo sameeyo baasaboor si loo xakeemyo cudurada dilaaga ah ee ay u gudbin karaan dadka.

Qorshaha dawlada Kyrgyzstan wada waxaa sidoo kale ka mid ah in la galiyo Idaha caymis, taasi oo u noqon karta qoysaska Idaha dhaqda dhaqaale.