Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Maxaad Ka Taqaan Magaalada Loo Dhimasho Tago

Monday - Feb 8, 2010

Akhristow inbadan ayaad maqashay magaalooyinka loo dalxiiska tago sida sharmalshiikh, Miami iyo Bahamas, laakiin wali ma maqashay magaalo loo dhimasha tago? Sida ay qortay Jariirada The sun waxaa tuulo lagu magacaabo Pfaffikon oo ku taala Zurich Switzerland ka farun xarun caafimaad oo lagu magacaabo Dignitas.

Xaruntan waxaa lagu fuliyaa dil sharafeed ama hadii aan si kale u dhigno xarunta waxa ay dadka qaba xanuunada aan dawada laheyn ama dhimashadooda loo qabtay mudo kooban uga raaxeysaa dhibka iyo xanuunka haya.

Ilaa iyo hada 135 ruux oo British ah ayaa u safray Zurich 27 ka mid ah waxay tageen sanadii nasoo dhaaftay, dhamaan dadkani waxa ay u dhimasha tageen Xarunta Dignitas ee uu 1998 aasaasay Looyar xuquuqul insaan oo lagu magacaabo Ludwig Minelli .

Dadka ugu badan ee u geerida tago Zurich waxaa ay u dhasheen dalalka Germany iyo Britain, Shuruucda u dagsan dalalkooda oo dambi ka dhigeysaa in qof lagu caawiyo in uu isdilo ayaa sababtay inay u safraan Xaruntan la isku qaarajiyo.

 Dalka Britain waxaa Maarsadan nagu soo foolka leh laga soo saari doonaa sharici lagu ciqaabayo dadka raaco kuwa ay jecelyihiin si ay nafta isu dhaafiyaan. Aasaha Xaruntan Ludwig waxaa uu sheegay inaysan shaqada ay hayaan layaab laheyn, Ujeedada xaruntiisana waxa uu ku tilmaamay inay tahay in dadka nolasha ka quustay la siiyo dhamaad sharaf leh.

Dignitas waxa ay ku taalaa tuulo warshadley ah, wallow uu ninkan sameeyay xaruntan uu sheegay inay yihiin urur aan faa`iido doon aheyn hadana waxaa qofka is qaarajinaya ku baxa aduun lacageed oo gaaraya 10500 oo Swiss Franc ah una dhiganta 6200 oo gani.

Dignitas waxaa ka shaqeeya lix dhaqtar oo go”aamiya in bugaanka loo qoro suntan la isku dilo iyo inkale, Ludwig waxaa uu sheegay inay dadka ku caawiyaan inay isdilaan oo kaliya laakiin waqtiga iyo maalinta uu qofku isdilayo uu isagu qorsheysto.

“Dadku marka ay isqaarajinayaan waxa ay kaaga sheekeynayaan wacdarahoodii nolasha xusuustoodii waayo waayo iyo kaftanadii ay jeclaayeen, cidina ma dadajiso”, ayuu yiri 77jirkan abuuray xaruntanta la isku dilo.

Bukaanka doonaya inuu xijaabto waxaa la joogo qoyskiisa iyo asxaabtiisa, 30 daqiiqo ka hor inta uusan cabin Sunta ruuxa ka qaadeyso waxaa la siiyaa dawo matag-joogin ah, sunta oo aad u qaraar awgeed waxaana qofka agta laga soo dhigaa Baaquli shukulaato Swiss ah, Music ayaa loo shidaa si ay u yaraato walwalka iyo walaahowga uu amintaa dhaxmuquurayo.

Intaa kadib Sunta ayaa biyo lagu soo qasaa deetana ayada oo koob caag ah ku jirto loo dhiibaa dhibanaha doonayo inuu u hayaamo halkii loo badnaa iyo hoygii aakhiro.

Ruuxa doonaya inuu nafta isdhaafiyo waxa uu macsalaameeyaa Eheladiisa iyo asxaabtiisa, waxa kaluu uga mahadceliyaa jaceylka iyo taageerada ay u muujiyeen xili ay duruufuhu ku adagyihiin waayuhuna ku ciireen, intaa kadibna waxaa uu ruuxu cabayaa Sunta, ugu dambeyna wuxuu galayaa hurdo uusan dib uga soo noqondoonin.

 Umuuro sharciyeed darteed Waxaa laga duuba bukaanka Video, Police-ka ayaa daawada cajalada si ay u hubiyaan in xubnaha dignitas oo qura ay howsha fuliyeen, Geeridu waa lama huraanee marka ay naftu ka hamaansato waxaa lagu duuga Qubuuraha ama loo dhoofiyaa dalkoodii hooyo.

Dadka ugu badan ee uu geerida tago Dignitas waxa yu badan yihiin kuwa qaba Cuduro aan la daweyn Karin ama ay qubarada caafimaadka u sheegeen waqtiga ka harsan nolashooda, Ludwig waxaa uu The Sun uga faalooday haweeney da`ah oo u dhalatay Britain oo kolkii ay is dileysay usbuuci hore qosol iyo kaftan ku dhameysatay daqiiqadihii ugu dambeeyay nolasheeda.

Sanada badan oo ay xanuunsanayeen waxa ay bukaanadu qurquriyaan Sunta ay dhaqaatiirtu u dhibteeyeen ayaga oo ku faraxsan inay wajahaan Geeri.