Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 5 May 2024

Hilliaray Klinton Oo U Joogta Sacuudiga Si Ay Dibin Ugu Miiqdo Dawlada iiraan

Tuesday - Feb 16, 2010

Xukuumada Sucuudiga ayaa diiday Dalabka ay la wareygeyso wasiirka arimaha dibada Maraykanka ee ah in Sucuudigu ku qancisyo Xukuumada Shiinaha inay taageeraan Cunaqabatayn cusub oo Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogo dalka Iran.

Haweyneyda Hilliary Clinton oo hadda socdaal ku mareysa sacuudiga ayaa waydiisatay Boqorka Sucuudiga inay ka ansixiyaan Shiinaha inuu taageerayo Cunaqabataynta iyagoo usii maraya Baahida Shiinaha ee Saliida Sucuudiga oo ay kabaan shiidaalkii ay ka qaadan jireen iiraan

Laakiin Wasiirka Arrimaha Dibada Sucuudiga Saud Al-Faisal ayaa Isniintii Shalay sheegay inaan Saraakiisha Shiinuhu aanay uga baahnayn Sucuudiga inuu u sheego waxay garanayaan iyo waxay qaban lahayeenba.

Shiinuhu waxay wadaan oo fulinayaan buu yiri Wasiirku Masuuliyadooda la xiriirta arrimaha Iran ma daama ay leeyihiin codka qayaxan ee Golaha Amaanka.

Wasiir Al-Faisal wuxu intaa ku daray in Cunaqabatayn la saaro Iran ay tahay Xalka Mudda Fog balse hadda loo baahan yahay Xal Mudddo gaaban maadaama loo dhaw yahay in la heshiiiyo.

"Hadii Nabad laga doonayo Gobolka, waxa loo baahan yahay Iran oo Nabad ah Farxadna kula nool dariskooda" ayuu yiri Wasiirku.