Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Dhubuq-Dhubuq Hore Dhabanhays Dambe Leedahay ... Rag Is Guraaye Guushu Waxay Raacin Xaq U .....

Friday - Feb 19, 2010

Sida warar lagu kalsoonaankaro sheegayaan hogaamiyaha itoobiya mr. Zenaawi iyo saraakiil sare sirdoonka USA u qaabilsan argagixisada ayaa biishi January 7-deedi talo ku meel gaareen in dawlada Shiikh Shariif shaqada loo dhiibtay si taxadar leh looga dilin-dinleeyo oo markale lays-ku dayo in Mogdisho loo dhiso dawlad awood wadaaga ah, isla markaana awoodi karta in ay ka hortagaan shabaabka arlada dumuq ka siinaya, waxaana gogol-xaarka kulankoodaas looga dooday qodobo qaarkood oo lagu soo jaangooyey dhismaha dawladaas la damacsanyahay.

Sida nalo sheegay qaabka naqshada dhismaha dawlada cusub waxaa sadex bilood ka hor loo idmay iney odoros iyo fikrad ka keenaan kooxo iyagu ku caan baxay manfac-doon oo raba iney maamulkaas wax ka macaashaan sida la sheegayna horay talo xumo dhawr jeer ku marin-habaabiyey Beesha Caalamka haatana weli u taagan, waxaana kooxdaas hogaaminaya ayaa la yiri Axmed Cabdi Salaam oo la taliye u noqday dawlada itoobiya dhinaca arimaha konfurta Soomaaliya kaasow dhawaanahaanba is-ku xoqiisa majliska Zenaawi ku soo xiray rag badan oo beeshiisa ka mida.

Axmed Cabdi-Salaan oo isaga sida la yiri ku soo caan baxay adeegsigi kala didinta beeshiisa waxuu loobi ugu jiraa inu dismaha dawlada cusub ka helo jagada Raiisal wasaaraha isagoo si mitidan ku taliyey in jagadaas beesha daarood iminka haysato si ku meel gaara looga laalo ... waxuna arintaa mala-awaalka ku sababeyey in maamulka Punt-land lahayn siyaasad meel loogu hagaago oo mixnad tahay in la afgarto una dheertahay beelaha Harti daarood oon degaano badan ku lahayn  koonfurta shabaabku haystaan iyo sido kale Sade-daarood oo iyagana maanta qabuul ku lahayn dawlada dhexe oo aysan dhagahooda u daloolin wax ka qabashada shabaabka carigooda ku baahsan, waxuuna fikirkiisa uu soo gudbiyey Mr. Zenaawi isagoo talidiisa sii raaciyey in Shiikh Shariif u halkiisa si ku meel gaara u si hayo oo isagu mustaqbalka inqilaab ay abaabulan golihiisa ku bixidoona, halka kooxda murugada loo yaqaano waa Shariif Zakiin, Mr.Ibbi iyo kuwa kale u ka mid yahay Cumar Cabdi-Rashiid xilalkooda qaanjeerta yeeshay is-baaro loo dhigo, xayuubin ... waxaana warku intaa raacinaya in mr.Zinaawi oo markii hore diidana fikirka ay la yimaadeen kooxda ina Cabdi-Salaan uu mabda' ahaan markii dambe wax ka qaatay hasa ahaate u soo jeediyey in konfurta maa daama ay beesha Marexaan degaankooda ku ballaaranyahay in jagada raiisal wasaaraha loogu mashxarado beesha Sade-marexaan taaso an la garaneyn inu ku adkeysanayo iyo inkale

Al-suna Wal Jamaaca ma ahaa jamaacadi Dariiqooyinka ee akhriska Burdaha iyo baryada Yaasiinka lagu yiqiin waa koox Qawleysato xuub-caaro ah, majo hoolan oo laga soo aruuriyey beelaha degaanada Galgaduud iyo Hiiraan,waxayna u badanihiin uruuris ka yimi beelaha Cayr, Saleemaan  Xawaadle iyo kuwa ka yimi degaanka Caabud-Waaq oo qordiidan ,waxaa horjooge u hortaagan kuwa bidaar leh oo isu-ekeysiiyey shiikhyaal dariiqo baxnaaniya iimaanka, looguna sheekeeyey cilmiga suufiyada awgeed ayaa timaha uga marteen, laakiin ma aha oo waa kuwa madaxa quraarad looga soo xiray ayaa la yiri  ... waxaa kalo la soo tabiyey in jamaacooyinkaas waayaahaan dambe lagu maaweeliyo kharaj dacaam laga soo weeciyey Shariifka taaso uu markii hore muran sidi libax Ooda soo jabsaday laakiin markii la yiri shafshafada kuligeedba waa laga jaraya hadaadan shuushuuda deyn ayuu celyadiisi dib u liqay.