Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Ma Runbaa In Shabaabka Lagu Soo Carbiyo Degaanada Punt- land Xageese Jooga Zarqaawi Fu'aad Shangole?

Friday - Feb 26, 2010

Kuwa allow sahal ah, surwaal, shaar iyo saacad hadda ugu hor yihiin, oo indhaha ku kala furay casri jaahiligi colaadi sokeeye kuna caan baxday durbaan tumida " alweys sing the music" afka talyaaniga aan ku oran karno "sembre cantando" ayaa markaan musiko cusub micno buuran sameyneyn nooc kale u dhadhameysa u saareen beesha caalamka iyagoo ula jeeda in ummadaan cirku ashtakeeyey magaceeduna ba'ay oo dhaayihi iyo miyir-gadoonka ku dhacay masiirkooda sii galo mixnad ... allow sahalka ma aha kuwa Maskaxdooda iyo afkooda ka dhamaato sadaal xun .. geesi ma harin .. halyey baxyey iyo dalka ishaaro san kama soo-socoto ... waxayse ilawsan yihiin iney jiraan niman aan habeyn seexan, maalina soo hoyan oo historiga qora, buugoodana hari-waayey. 

Runta waa laga dheer yahay ... Dire- Dire majaxaabinaya dadweyaha oo shisheye aar-doon ah wax la gaad-gaada ayaa jira oo edebti iyo xishoodkii halis galiyey ... Galdogob Times oo daalacatay xog ay ka heshay ilo aad u sareeya ayey ku ogaatay in siyaasiyiin reer galbeedka qaarkood xarumo ku leh Adis-Nairobi iyagoo irdaha lagu soo tumay loo gudbiyey war aragti-gaaban oo runti gun dalabkeed ku xumeyn, si weyna loogu soo xardhay ashtako lid ku ah nabada iyo danaha soomaaliyeed, una muuqda Af inta wax cunay quusan-waayey oo meel maran raba inu markaan dhuuxo .. noma surtoobin inaan si buuxda u helno magacyada adoomada adoomada kale maagay laakiin qaarkood oo farta nalo ku fiiqay iney falka warbixinta ka qayb qaateen ayaa horay xogtooda loo ogaa in ay yihiin rag uun meel kaliya u cadahay oo markasta ku maqan ciribtirka walaalahood aysan kala maarmin, waxayna moodayaan dad kale shidada ku riix iney dhib markaas haysta kaga hareyso amase gob ku noqonayaan, waxayse ogeyn xabaalaha walaalkii nin dhigay inu isna ku xigo

Maah-Maah ayaa oraneysa " isha qodaxdi mudi lahayd ma aragto" Ragga dooda iyo dacaayada liidata furay waxay sheegeen in Shabaabka loo caal-waayey ee mawjadaha dhiiga ku camiray arlada Soomaaliya ay hawlgaladooda ka arimiyaan Qabaaiilo ku abtirsada arladaas Punt-land iyo weliba  degaanada Gedo oo si gaara ugu manfacsada xarakada shabaabka, waxayse hadalkoodi miisaanku ka lumy markii dacaayadoodi ay afka u saareen hayjad Oomana ah oo ay yiraahdeen Zarqaawiga Geeska Afrika waa Fu'aad Shangole waxuu socod isaga goosha magaalooyinka u dhaxeeya Boosaaso ila Galdogob oo halkaas biishiiba laba mar ka safriya dhalinyaro loo carbiyey Jihaadka .. arinta klae ee ay qiyaasta kaga xumaatay aya ah in Fu'aad Shangole uu harka cad maalmaha qaarkood fariisto xawaalad ku taala deganadaas walow aysan magaca xafiiskaas carabka ku dhufan oo yiraahdeen halkaas lacagaha " ku socota ka socota" loogu soo xawilaa kuna sii xawilaa ... waxba la isuma qarsho, Hadal rag waa laysu qeexa, gunaanadka ujeedada warkooda waxuu isugu dhurtay dadka mandiqadaas ayaa mushkilada socta ka dagi la'dahay ... taasna waxay na xasuusineysa taariikh qoran iyo taxane soo yiiley oo ahayd in laga barto qaladaadkii shalay.

Waa qiso aduune, casharadi horay reer galbeedka la cabbsiiyey ee ku qotomtay in mushkilada tacab kasaarka ka soo gaaray reer yurubka geeska afrika ay ka dagi-weydey macagagnimadi  darwiish ina Cabdila Xasan oo la ogaa wixi natiijo ay ku dabeysey  .. dabadeedna jiilba jiilka ka dambeeyey ayuu uu sii tilmaamay naar-afuufka noocaas ah oo markale lagu yiri qaska iyo hurinta dagaalada geeska Afrika ay ka dagi la'dahay waa siyaasada dhul-doonka Siyaad Bare .. kuma ay harin intaas balse waxay markale la soo baxeen kaar kale oo ay si bareer aan biyo is marin kaga ga'deen mujtamaca galbeedka oo yiraahdeen Cabdi-Qaasim waaba qaacido Guureysa ... mar kale ayey tobanle u fireeyeen reer galbeedkii oo ku yiraahdeen dhibka socda iyo jihaadka abuurmay, argagixisada Oogmatay waxaa sabab u ah Col. Cabdulaahi Yuusuf oo haddu meesha ka baxo qiirada Jihaadka wey iska dhamaaneysa .. lagu ma harin intaas oo waxay hadda sheekadu mareysa haddaan cariga Punt-land loo burburin sidi magaalada Ramaada-Ciraaq oo aysan soo dhiibin Zarqaawi Fu'aad Shangola ay adagtahay wax ka qabashada argagixisada Qaacidada la hal maasha al-shabaab .. Allow sahal-yaashaas oo sida ka muuqata ka qaawan xadaarada ilbaxnimada,waligoodna mihindisaya iney harub u toshaan kun-kun money oo ay ka maroojistaan gaal faranjiga xaasadka, waxay ku haminayaan ama jeclyihiinba iney arkaan ham-hamka iyo reenka kumaandooska guutooyinka ciidamada mareykanka oo degaanadaas weerar colaad ku haya sii soomaali gees walba uga gubato oo halkaas dal iyo dunyo iyo diin dhawrmin