Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Qiimihi Salaadiinta Soomaali Oo Qarnigaan Qarbmay Iyo Ugaaska Ciise Oo Ka Badbaaday

Sunday - Feb 28, 2010

Saylac - Ugaaska beesha Ciise Ugaas Maxamed Ibraahim Rooble oo berri si rasmi ah loogu caleemo-saari doono magaalada Saylac ee xarunta Gobolka Salal, ayaa galabta abbaaro 5:00 galabnimo soo gaaray magaaladaasi.

Ugaaska oo ay galbinayeen wefti ballaaran oo wehelinayey, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Saylac, halkaas oo ay ku qaabileen wufuud dawladeed oo ka kala tirsan Somaliland, Jabuuti iyo Itoobiya oo ay kala hoggaaminayeen Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti iyo Barasaabka magaalada Jigjiga ee Itoobiya, waxa kale oo ugaaska si ballaaran u soo dhaweeyey boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada Saylac iyo ergooyinka kala duwan ee ka qaybgalaya munaasibadda caleemo-saarkiisa, kuwaas oo caleemo qoyan la taagnaa jidadka, isla markaana ciyaaro-dhaqameedyo iyo heesaba qaadayey.

Ugaas Mustafe oo ka hor intii aan magaalada Saylac la keenin sida uu dhigayo xeerka Ciise deganka la yiraahdo Garka Ugaaska timaha lagaga soo xiiray, kuwaas oo aan muddo 8 bilood ah mar qura la xiirin. Waxaana Ugaaska oo ay gelbinayaan dalka Jabuuti wasiirrada Waxbarashada, Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan ciidammada dalkaas iyo weliba kumanaan qof oo isugu jira odayaasha dhaqanka beesha Ciise iyo dadweyne, kuwaasoo isla gelinkii dambe soo gaaray degmada Saylac ee Gobolka Salal.

Magaalada Saylac ayaa caawa waxa ka socda dabaaldegyo iyo ciyaar-dhaqameedyo qayb ka ah caleemo-saarka iyo farxadda lagu qaabilayo Ugaaska, iyadoo magaalada aanay cidi hurdo inay seexato u diyaargaroobin, iyadoo ergooyinka ka qaybgalaya xuska ee faraha badani si weyn uga dhexmuuqdaan magaalada.
Dhinaca kalena, waxa weli jira gaadiid ka mid ah kuwii wufuuda ka tagay magaalada Hargeysa wateen ee doonayey inay ka qaybgalaan munaasibadda oo ku xaniban jidka dhexda, kadib markii ay mari kariwaayeen daadad ka dhashay roobab laxaad leh oo maalmahan ka da’yey Gobolka Salal iyo guud ahaan Somaliland.

Munaasibadda caleemo-saarka ugaaska beesha Ciise ee maanta ka dhacaysa degmada Saylac oo ay soo qabanqaabisay dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa la filayaa inuu ka soo qaybgalo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.