Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 6 May 2024

Nin Soomaali Konfur Afrika Jooga Oo U Geeriyoodi Cudur Noociisa Aan La Garaneyn Iyo Sadex Kale Oo...

Monday - March 1, 2010

Qof Soomaali ah ayaa geeriyoodey, 3 kalana karantiil ayay ku jiraan kadib markii uu soo ritey cudur aanan la garanaynin gobolka Eastern cape ee dalka K/Afrika .

Haatan wasaarada caafimaadka ee qaranka South Africa ayaa biloowdey baaritaan ay ku baadi goobeyso dhamaan dadka laga yaabo in ay wax xariir ah la sameeyeen dadkani guud ahaan dalka.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in 3 da la karantiiley ay yaalaan isbitaalka Mount Ayliff ee magaalada Ntabankulu ee gobolka Eastern Cape iyadoo halkaasi dhaqaatiirta caafimaadka ay xaaladooda caalifimaad la socdaan.

Sida uu sheegey afhayeen u hadlay wasaaarada caafimaadka ee dalka South Africa oo lagu magacaabo Zisi Kupelo Soomaalidani ayaa dalka soo galay dhowr maalmood ka hor, lamana garanayo cudurka hayo waxa uu yahay.

Wasaarada ayaa qarka u fuushey in ay ku dhaawaqdo xaalad degdeg ah dalka oo dhan iyadoo warbaahinta dalka oo dhan ay tabineyso, waxaa cabsi laga qabaa in dad kale oo ay kuwa xanuunsan xariir la yeesheen ay cudurka qaadaan taasina ay sii kordhin karto halista caafimaadka

Walloow uusan jirin baaritaan caafimaad oo rasmi ah, hadana marka dadka Soomaalida ay xuduuda kasoo talaabayaan waa la buufiyaa jirkooda oo dhan

Koonfur Africa oo mudo bilo ah gudahood marti galineysa koobka kubada cagta aduunka diyaar uma ahan cudur saf mar ah mar kaliya dalka ka dilaaca, waxayna dowladu ku jirtaa heegan sare oo ah xaga cudurada faafa iyadoo dhawaan dalka uu ka badbaaday hargabka doonfaarka